Maxaa kala socotaa adeegga koronto ee casriga ah oo ay Shirkadda Blue Sky Energy kusoo kordhisay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Blue Sky Energy oo ah Shirkad bixiso Adeeggo Koronto ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kusoo kordhisay Adeeg Casri ah.

Shirkadda Blue Sky Energy ayaa wali wada horumarinta adeega Koronto ay bixiso, waxa ayna magaalada keentay qalab casri ah oo saamaxaya in guud ahaan Konrotada gaarsiiyaan magaalada Muqdisho si loo haqabtiro baahiyada dadka u qabaan korontada, waxayna Korontada ku bixisaa qiimo aad u jaban.

Shirkadda ayaa Magaalada Muqdisho ka sameysay Koronto tayo oo leh gundhigiisu yahay Transmission Lines oo si qurux badan Magaalada Muqdisho loo mariyey iyadoo shirkadda ka fogaatay Leymanka Korontada ee sida qaldan loo marinayo Magaalada dhexdeeda.

Shirkadda Blue SKY Energy ayaa ku dhawaaqday inay Sanadkaan cusub ee 2018 ay cid kasta gurigeeda ugu geyn doonto adeeg Koronto oo tayo leh isla markaasna uu qof kasta ku heli doono qiimo jaban.

Ugu Dambeyntii halheyska Shirkadda ayaa ah : La dagaalanka Tayo Xumada Korontada iyo inay hal shirkad gacanta u gasho Adeeggaas  (Monopoly)

Haddaba halkaan hoose ka akhriso wargelin kasoo baxday Shirkadda