Sawiro: Maamulka gobolka Banaadir oo ku wareejiyay deeq dawo ah taliska ciidanka Asluubta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa deeq dawo ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo saraakiil kale.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeqda dawada ah ee uu ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaa uu ugu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, si loogu daweeyo,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sidaasi sheegay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa Maamulka Banaadir uga mahad celiyey deeqda dawada ah ee ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in wax badan ay ka tari doonto adeega dhanka caafimaadka ee Isbitaalka Xabsiga dhexe ee Xamar ka jirta.