Cali Khaliif Galeyr oo hal arrin ugu baaqay Muuse Biixi xili laga cabanayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamulkii Khaatumo uu Heshiis la galay maamulka Somaliland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr, oo ka hadlaayay Heshiiska dhacay iyo isbedelka ku imaaday maamulka Somaliland ayaa waxa uu Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi u diray fariin ku aadan Heshiiska.

Cali Khaliif Galeyr, waxa uu Hogaamiye Muuse Biixi ka dalbaday inuu fuliyo heshiiskii Maamulkiisa ay horey ula galeen maamulkii Axmed Siilaanyo.

Cali Khaliif Galeyr, waxa uu Mr Biixi u sheegay inay muhiimad gaara leedahay in lasii wado Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay inaan la dayicin Heshiiska guuleystay.

Cali Khaliif Galeyr, waxa uu cadeeyay in Muuse Biixi ay is arkeen mudadii lagu guda jiray ololaha doorashada, hase ahaatee ay dib dhigteen kawada hadalka arimaha labada dhinac.

Cali Khaliif Galeyr, ayaa sheegay in Hogaamiyaha cusub Muuse Biixi Cabdi ay uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland.

Sidoo kale, Galeyr waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland.

Haddalka Cali Khaliif Galeyr ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha cusub ee Somaliland uu ka meyl adag yahay kii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com