Daawo Video: Lafta-gareen oo war kulul kasoo saaray dadki lagu dilay Gaalkacyo

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta ka hadlay weerarro lagu dilay ugu yaraan 13 qof oo ka soo jeeda degaannada Maamulkaas laguna dilay Galmudug.

Cabdicasiis oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa ka tacsiyadeeyay weerarradaas,waxaana uu sidoo kale dowlad Goboleedka Galmudug ka dalbaday in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan weerarrada ka dhanka ah dadka degaannadaas ee lagu beegsanayo Galmudug.

Laftagareen ayaa dalbaday in caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo sidoo kalena jawaab degdeg ah bixiyaan maamulka Galmudug.

Waxaa uu Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta ka dalbaday in ay arrintaas  sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan.

Magaalada Galkacyo ayaa xalay lagu dilay 9 qof oo rayid ah,waxaana ka horreeyay afar qof oo iyana lagu dilay duleedka Dhuusamareeb kuwaas oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Galmudug beeniyay inuu soo saaray amar la sheegay in deegaannadiisa uu uga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Mudug lagu dilay dad kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, islamarkaana la hadal hayay is diiwaan gelinta dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com