Daawo video: Qalbi-Dhagax oo shaaciyey xaqiiqda sii dayntiisa iyo xarigii hore

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdikariin Shiikh  Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga sii daayey Xabsi ku yaal Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay saxaafadda kala hadlay sababtii loo xiray iyo cidda xirtay.

Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa ugu horeyn Shacabka soomaaliyeed ugu mahad celiyey sidii ay u garab istaageen isagoo sheegay inay arrintaas muujisay sida ay shacabka Soomaaliyeed u mideysan yihiin.

Wuxuu sheegay inay Shacabka soomaaliyeed si weyn u garab istaageen markii la xiray.

“Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan”ayuu yiri Qalbi Dhagax oo si taxadar iyo degenaan ku jirtay u hadlay.

Wuxuu tilmaamay inay xarigiisa ka dambeyeen shakhsiyaad dambiilayaal ah oo ku sugan Xamar.

Qalbi dhagax ma uusan sheegin magacyada dadkii ka dambeeyey xarigiisa balse wuxuu tilmaamay inay dambiilayaal yihiin.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka: