AXMED MADOOBE oo ku baaqay arrin cajiib ah oo la xiriirta gobollada waqooyi

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo boqolaal dad ah kula hadlayay fagaayo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland kana hadlayay munaasabad loogu dabaal dagayo 1-da Bisha Luulyo oo ah markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.

Xornimadii Gobolada Waqooyi 26 June ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ahayd Maalin aan la dhayalsan karin oo dareenka Bulshada ku xoogan iyo midowgii labada Gobol iyo Xornimada Koonfurta Koowda Luulyo oo ku timid rabitaanka dadkeena iyo ahmiyada wadajirku uu leeyahay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Midnimadaas iyo Madaxbanaanida Qaranka ay maanta wax badan iska badaleen wuxuu hoosta ka xariiqay in kala qaybsanan aysan waxba soo kordhinaynin oo aanay jirin cid si gaar ah wax uga faa’iidi karta.

Dhamaan Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in maanta la joogo xiligii Gobolada Waqooyi la xaal marin lahaa oo wixii ay tabanayaan ay tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka..

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri” Waxaa la joogaa xiligii dadka ku nool gobolada Koonfurta Soomaaliya ay xaal marin lahaayeen walaalahood Gobolada Waqooyi oo ku aadan wixii ay tabanayaan ayna tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka.

Madaxweynaha oo la hadlayay dadweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in amaanka ka jira deegaanka ay ku faro adaygaan wuxuu ugu baaqay in midnimo iyo wadajir loo baahan yahay si horay loogu socdo.

Dhinaca kale Siyaasada wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in mudo ay ahayd mid aan ku dhisnaynin qiyamka oo laga yaabo in qof walba siduu doono uu yeelo taas oo wadajirka dhaawac u gaysan karta.

Dowlada Federaalka ah ayuu ku booriyay in aysan iska indho tirin Masuuliyadaha saaran ee isku haynta dadka iyo ilaalinta wadajirkooda.

Xalay ilaa iyo maanta ayaa munaasabada 1 Luulyo laga xusay Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyadoona maanta oo kale dadka Soomaaliyeed ay u dabaal dagaan markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com