Madaxweyne Donald Trump oo madaxweynaha Somalia Farmaajo usoo diray fariin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda xoriyadda 1-da Luulyo u soo diray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Trump ayaa sheegay Mareykanka uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliya si ay isaga kaashadaan mustaqbal ifaya., wuxuuna intaas ku daray in wadashaqeynta labada dal lagu dhisi karo xasilooni, nabad iyo Soomaali barwaaqo ah oo dan ugu jirto labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu u sheegay Trump inuu heli doono taageerada Mareykanka ee ku aadan nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta Trump uu usoo diray Farmaajo

Dear Mr. President:

On behalf of the United States of America, I wish you and the people of Somalia a joyous 58th anniversary of independence.

The United States looks forward to continuing its partnership with the people and government of Somalia to work toward a brighter future. Working together to build a stable, peaceful, prosperous Somalia is in the interest of both of our nations. You will continue to have our support on this path.

Sincerely,

Donald J. Trump

End text.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com