Daawo Video: TABABAR caalami ah oo ciidamada DFS uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ka tirsan xogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xerada tababarka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa uga furmay tababar.

Tababarkan ayaa ah mid ciidamada la barayay habka baarista gawaarida, ilaalinta xarunta muhiimka ah iyo sida looga hortegi karo falalka argagixisonimo.

Taliska tababarka AMISOM ayaa tababarkan bixinaya waxayna dhinaca dhaqaalaha gacan ka geystay ururka Midowga Yurub.

Madaxa tababarka AMISOM Gaashaanle Xamza Amisha ayaa sheegay in tababarkani uu ku saabsan yahay hogaaminta wanaagsan, ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo sida looga hortagi karo falalka argagixiso iyo sida looga hortago dibadbaxyada.

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo markii hore tababarka lagu siin jiray dalka dibadiisa ayaa hadda waxay ku qaataan gudaha dalka.