Mareykanka oo madaxda DF SOMALIA ku ammaanay tallaabadii ay qaadeen

Nairobi (Caasimada Online) – Ergeyga Gaar ka ah ee Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa wuxuu amaan u soo jeediyey Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay uga jawaabeen dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay u cambaareeyeen dagaalka, kuna baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan dhinacyada ishaya.

War-saxaafadeed ka soo baxday Xafiiska Ergeyga Gaar ka ah ee Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty oo ku leeyahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay bogaadineyso dadaalka Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan xasilinta dagaal beeleedyada ka socda Gobollada dalka qaarkii.

“Dawladda Maraykanku waxay ku amaanaysaa Dawaladda Federaalka Soomaaliya talaabada deg deg ah ee ay ka qaaday dagaalada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaanu taageeraynaa baaqoodii ku saabsanaa in colaada si deg deg ah loo joojiyo ayna dhinacyada is hayaa si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda.” Ayuu yiri Mr McAnulty.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dawladda Maraykanku ay Soomaaliya ugu deeqday macaawimo gaaraysa 517 miliyan oo doolar ilaa sanadkii 2007, ayna sii wadayaan taageerada si loo helo nabad iyo xasilooni, islamarkaana loo sii xoojiyo dawlad wanaaga ku salaysan is la xisaabtan iyo wax wada qaybsi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com