Daawo: War cusub oo kasoo kordhay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa afar bilood kadib ka hadlay dilka marxuumka ee isaga iyo Saciid Tahliil Maxamed loogu gaystay magaalada Dhuusamareeb.

Dilka loo gaystay labada marxuum ayaa salka ku hayay aano qabiil, waxaana si weyn uga xumaaday reer Dhuusamareeb, maadaama lagu dhex dilay caasimada Galmudug.

Xuseen Diirshe Cadde oo la dhashay marxuumka ayaa sheegay in aan weli lasoo qaban eedeysanaha, isaga oo arrintaas ku tilmaamay xadgudub wayn, maadaama laga gaabiyay.

“Afar bilood ka bacdi in xaaladdeena wax laga qaban waayo dhacdadii ka horreysay ama ka dambeysay la xalliyay waxay nagu tahay xadgudub aanan maleysan karin” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cabashadooda ay wax ka qaban weysay Galmudug, haatana ay usoo gudbinayaan dowladda dhexe, si wax uga qabato arrintaasi.

“State-ka meesha ka jiro wax waa ka qaban waayay cabashadeena waxa ay hadda usoo gudubtay dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud inuu cabashadeena tixgeliyo dhibka nagu dhacayna uu kasoo jawaabo” ayuu mar kale yiri marxuumka walaalkiis.

Mid kamid wiilasha marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in eedeysanahaa uu dhex joogo magaalada, balse aan lasoo qaban, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof dhib intaas la’eg noo gaystay, haddana magaaladii uu ku noolyahay ama uu u dhow yahay oo anan lasoo qaban xaqiiqdii waa arrin qalbiga xanuunjineyso” ayuu isna yiri.

Ugu dambeyn waxaa shirkan jaraa’id ka hadashay Muna Diirshe oo iyadana kamid ah ehelllada, taas oo farriin culus u diryay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

“Caasimadii Dhuusamareeb ee aan gacmaheena ku dhisanay, maamulkii aan gacmaheenna ku dhisanay inuu maanta dhiigeyna waxba ka qaban waayo waxa khaldan iyo waxa jiro inuu soo dhex-galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayay iyaduna tiri Muna Diirshe.