Shirkadda Ethiopian Airlines oo war cusub kasoo saartay isticmaalka hawada Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines , isla markaana lasoo dhigay barteeda Facebook ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in ay baddasheen khadka hawada Soomaaliya ee ay isticmaalaan, sababo la xiriira dhacdooyinkii dhowaan ee hawada Somaaliya.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana warkaasi uu yahay “mid aan sax ahayn oo marin-habaabin ah”

Warkan oo ay daabacday BBC ayaa waxaa lagu saleeyay wareysi ay Laanta Amharic la yeelatay Mesfen Tasew oo ah madaxa shirkadaha diyaaradaha Itoobiya, sida ay sheegtay BBC-du.

Maamulaha ayaa wareysigaas ku cadeeyey in go’aankaasi uu la xiriiro khatartii ay ku galeen hawada Soomaaliya maalmo ka hor,

“Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocaan uu dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya, balse ma aanaan helin wax jawaab ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa jirtay warqad la isla dhex marayay baraha bulshada oo lagu sheegay inay kasoo baxday xafiiska shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo lagu xusay in shirkaddu joojisay duullimaadyadii dalalka Aasiya ee sii mari jiray hawada Soomaaliya. Shirkadda ayaa beenisay warqaddaas kuna tilmaantay mid been bauur ah.

Dhowaan labo diyaaradood oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways ay kala leeyihiin ayaa isku dhici gaaray, kadib markii maamulka Somaliland uu qalqal ku furay isticmaalka hawada gobollada waqooyi, balse nasiib wanaag, qadar aad u yar ayey ku kala badbaadeen diyaaradahaas oo siday rakaab badan.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku dagaaleen damaca badda Soomaaliya uga jira Itoobiya, xiisadaas ayaa gaartay mele sare, waxayna cilaaqaadka labada dalka ku sii yeelaneysaa saameyn badan.