31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay doorashada K/G

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta war xasaasi ah kasoo saartay doorashada guud ee maamulkaas oo uu haatan magaalada Baydhaba ka qaban-qaabinayo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, xilli ay bannaanka ka joogaan mucaaradka.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo goordhow shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa diray farriin la xiriirta doorashada, wuxuuna marka hore ugu baaqay ciidanka inay xoojiyaan ammaanka magaalada Baydhaba.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay cid kasta oo daneyneysa ka qayb-qaadasha doorashada inay u furan tahay, ayna imaan karto Baydhaba, isla markaana ay ka maamul ahaan soo dhaweynayaan.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku baaqeysaa muwaadininta Koonfur Galbeed meel walba oo ay joogaan kuwa daneynaya inay ka qayb-qaataan doorashada haddii ay tahay doorashada goleyaasha wakiilada iyo tan madaxweynaha inay kasoo qayb-geli karaan saaxadduna ay u furan tahay” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka digay in hub culus lala soo galo magaalada Baydhaba, isaga oo ballan qaadaan in dowladdu ay sugi doonto ammaanka.

“Dowladda ayaa ballan qaadeysa ammaankooda iyo ilaalintooda waxaase mamnuuc ah in musharrixiinta ay hub soo qaataan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu digniin u diray diyaaradaha shacabka, isaga oo tilmaamay in tallaab laga qaadi doono haddii ay soo qaadaan hub ama ciidamo, maadaama ay weli xiisad ka jirto gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu bilaabay shaqadiisa, isaga oo kulan la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka, waxaana diiradda ay saareen dardargelinta arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

Lafta-gareen oo dhawaan magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda raba inuu dadajiyo doorashada, isaga oo doonaya in mar kale la doorto waxaase diidan mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

 

- Advertisement -

Read more

Local News