Daawo Video: Wasiir ka tirsan DFS oo kasoo jeeda woqooyi ayaa midnimada dalka dhaawacay (Hadal aad u weyn)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Somalia, oo deegaan ahaan kaso jeeda deegaanada waqooyi ee la baxay Somalilad, ayaa ku hadlay ereyo liddi ku ah qarannimada Somalia, isaga oo muujiyey in dalka uu laba u kala qeybsamay

Waa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dowladda Federalka Somalia Jamac Oday oo qabiil ahaan u dhashay Isaaq gaar ahaan Habar Jeclo, wuxuua yiri “DALKII LA ISKU ORAN JIRAY SOMALIA EE BURBURAY SANADKII 1990-kii”

Horey ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi waxa ay u diiday inay qirto in midnimada Somalia ay tahay lama taabtaan, ayada oo tiri “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Jaamac Oday wuxuu horey uga mid ahaa Maamulka Somaliland, wuxuu la ilma adeer yahay Siilaanyo.

Hadalka Wasiir Jaamac Oday wuxuu qof kasta oo waddani ah ku noqonayaa dhaawac uusan qalbigiisa ka bogsoon ebid maxaa yeelay waa arrin la yaab leh sida Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ugu tiraabo erayo nuucaas ah?

Halkan ka daawo Hadalkiisa

Xilalka dowladda Somalia, ayaa u eg un kuwo loo soo shaqo doonta, oo aanay qasab ahayn muwaadannimo, waxaana taas u daliil ah in xittaa madaxweyne Xasan Sheekh uu lee yahay la-taliye caddaan ah oo ajnabi ah.

Waxaa iminka la is-weydiinayaa Baarlamaanka Somalia tilaabo maka qaadi doonaa Jaamac Oday? Ra’isulwasaare Cabdi Wali xilka maka qaadi doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com