Daawo: Wasiir si deg deg ah isku casilay soona jeediyey garnaqsi yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdulqaadir Cali oo maanta loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa si deg deg ah isaga casilay xilkaas, isagoo shaaciyey sababta.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay in xilkaas uusan u qalmin beeshiisa, isla markaana ay beeshu horay u laheed wasiir buuxa.

“Waxaan rabaa inaan ka cadeeyo halkaan, inaan iska casilay xilkii la ii magacaabay ee wasiir ku xigeenka qorsheynta, beel ahaan uma qalano kursigaan, kumana meteli karo beesheyda,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Sidoo kale masuulkaan ayaa cadeeyey in beeshiisa Carab Saalax ee beelaha Daarood ay horay u laheyd wasiir fuul ah.

“Hadda waxaa la dhahay meeshiinu waxay heshay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, laakiin waxaan sidoo kale xaq u leenahay wasiir buuxa, maadaama ay beesheydu xildhibaano badan leedahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Go’aanka uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda qorsheynta loo magacaabay ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii galabta lagu dhawaaqay golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Hoos ka daawo