Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray wasiiradii la magacaabay – Muxuu faray?

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee golaha wasiirrada ito Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn xukuumadda cusub ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay, wuxuuna ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, la-tashiyadii uu sameeyey ka hor magacaabidda xubnahaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku amaanay dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladooda iyo “fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.