Xamza iyo Xasan Sheekh oo heshiisiiyey Mukhtaar Roobow iyo wasiirkii soo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Xuseen Eelaay oo maanta loo magacaabay Wasiirka Xananaada Xoolaha Soomaaliya ayaa caawa lala kulansiiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo isna maanta loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Xasan Eelaay ayaa xilligii uu ahaa wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed waxay dowladdii Farmaajo isaga iyo mas’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow oo Baydhaba laga soo qabtay bishii December sanadkii 2018-kii ayaa galabta lagu baraarugay iyadoo loo magacaabay wasiir, maadaama uu xirnaa tan iyo maalintii laga soo qabtay Baydhaba.

Wasiir Xasan Eelaay markii xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay wuxuu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha hor tooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa in ka badan seddaxn sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore, wuuna maanta ka mid noqday golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Wasiir Xasan Eelaay oo caawa ay is cafiyeen Mukhtaar Roobow, hadda waa wasiirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu dhow Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.