Sidee dilka Al-Zawahiri u saameynayaa Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu Mareykanka shaaca ka qaaday inuu duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ayaa waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo dilkiisa iyo sidoo kale saameynta ka dhalan karta.

Al-Zawahiri ayaa ahaa ninkii la wareegay talada Al-Qaacida, kadib dilkii Usama Bin Ladin oo isna dhacay bishii May sannadki 2011-kii.

Haddaba, sidee dilka Ayman Al-Zawahiri u saameynayaa Al-Shabaab?

Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab ayaa wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA wuxuu ku sheegay in dilka Ayman Al-Zawahiri uu saameynayo kooxda Al-Shabaab oo iyadu Al-qaacida la midoobay sannadkii 2012-kii.

“Ayman Al-Zawahiri markii uu joogay ayey Al-Shabaab ku biireen Al-Qaacida markii uu Usama Bin Ladin joogay way kuu biiri waayeen, balse wakiilo ayaa u joogay Geeska Afrika,” ayuu yiri Cumar Maxamed isaga oo ka hadlay xiriirka kooxda Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa Al-Qaacida ay awood badneyd xilligii uu Usama Bin Ladin hogaaminayey, balse intii uu joogay Ayman Al-Zawahiri oo haatan la dilay ay lumisay dhul ballaaran, sida Ciraaq iyo meelo badan oo ay xukumi jirtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii wuxuu u saameynayaa dilkani ay Mareykanka dileen Al-Qaacida hogaamiyahahooda Ayman Al-Zawahiri si weyn-buu ururka Shabaab u saameynayaa, markii horeba ururkaasi waqtiyadii uu ugu xooga badnaa oo faafaayey waxay aheyd waqtigii uu joogay Usama Bin Ladin, markii la dilay kadib ee Ayman Al-Zawahiri hoggaanka qabtay waxaa dhacday inuu noqday hoggaamiye xoogaa ka daciifsan Usama Bin Ladin, sidaas aawgeed waxay bilaabeen in Al-qaacida ay lumiso dhulkii Ciraaq oo dhan,” ayuu wareysiga yiri Abuu Ayaan.

Abuu Ayaan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in laga yaabo in sii tirtirmaan kooxahaan, kadib dilka uu Mareykanka u geystay Al-Zawahiri.

“Saameynta dilkaasi wax weyn-buu saameynayaa waxaa laga yaabaa in ay sii tirtirmaan, sida aan kolley aniga u arko,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay mustaqbalka Al-Qaacida iyo cidda bedeli doonto Ayman Al-Zawahiri, wuxuuna sheegay inay badan tahay in hoggaanka loo dhiibo nin lagu magacaabo Sayful Cadli.

“Waxaa la qiyaasayaa inuu beddeli doono nin lagu magacaabo Sayful Cadli, nin kalena in ay keensadaan waa laga yaabaa, laakiin waxaan u badinayaa in uu noqon doono hoggaamiyaha Ayman Al-Zawahiri beddeli doono Sayful Cadli,” ayuu markale yiri Cumar.

Zawahiri waxa uu dhuumasho ku jiray sanado aad u fara badan, balse ugu dambeyn waxaa lagu khaarijiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey maagaalada caasimada ah ee Kabul, abaare 6:18am xiliga dalka Afghanistan oo ku aadaneyd 1.48am GMT ee 31 July, waxaana howlgalkaas fulisay diyaarad Drone ah oo riday waxa loogu yeero gantaalada “hellfire”.