Sidee CIA-da u aqoonsatay halka uu joogay una fulisay DILKII Ayman Al-Zawahiri?

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ayaa Axaddii lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyeen dalka Afghanistan , sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Zawahiri waxa uu dhuumasho ku jiray sanado badan, howlgalka lagu baadi goobayay laguna dilay waxa uu ahaa mid ka dhashay “sabar taxadar leh oo joogto ah,” oo ay sameeyeen ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka.

Ilaa inta lagu dhawaaqay dhimashadiisa, Zawahiri ayaa siyaabo kala duwan loogu xamanayay inuu ku sugan yahay aagga qabaa’ilka Pakistan ama gudaha Afghanistan.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddo dhowr sano ah ay dowladda Maraykanku ka war haysay shabakad ay ku qiimeeyeen inay taageerto Zawahiri, wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay haysay calaamado muujinayo in ururka Al-Qaacida uu weli ku sugan yahay dalkaas.

“Saraakiisha waxay caddeeyeen in qoyska Zawahiri oo ka kooban xaakiisa, gabadhiisa iyo carruurteeda ay u guureen guri ammaan ah oo ku yaal Kabul kadibna Zawahiri ayaa lagu aqoonsaday isla goobtaas,” ayuu yiri sarkalkaan oo magaciisa qariyey.

Dhowr bilood gudahood, saraakiisha sirdoonku waxay aad ugu kalsoonaayeen inay si sax ah u aqoonsadeen Zawahiri oo jooga guri uu ku badbaadayey oo ku yaalla Kabul, horraantii bishii April-na waxay bilaabeen inay warbixin siiyaan saraakiisha sare ee dowladda Mareykanka.

Reuters ayaa sheegtay in xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan uu madaxweynaha Mareykanka Biden gaarsiiyey la-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.

Markaas kadib saraakiishu waxay baaritaan dheer ku sameeyeen dhismaha iyo nooca guriga uu dagan yahay Zawahiri si loo xaqiijiyo in Mareykan uu si kasooni leh u fulin karo howlgal lagu dilayo Zawahiri, iyadoo aan wax khatar ah la gelin dariska iyo qoyskiisa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa Zawahiri aqoonsaday isagoo ku sugan balakoonka guriga, waxayna saraakiisha sheegeen in markaas kadib lagu weeraray dhowr jeer, sida uu sheegay sarkaalkaan magaciisa qariyey.

Qaabka guriga nabdoon ee la sameeyay

Sida uu sheegay sarkaalkaan, Biden toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu qaban-qaabiyay kulamo uu la yeelanayo la-taliyayaal muhiim ah iyo xubnaha golaha wasiirrada si ay sirdoonka u baaraan una qiimeeyaan habka ugu habboon ee tallaabo loo qaadi karo.

Kowdii Luulyo, waxaa madaxweynaha Mareykanka la hor dhigay qorsho diyaarsan oo lagu fulinayo howlgalkaan kadib kulan ka dhacay qolka xaaladaha deg deg ah ee Aqalka Cad, waxaana kulanka goobjoog ahaa xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo gaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA-da William Burns.

Sarkalkaan ayaa sheegay in kulankaas uu madaxweynaha Mareykanka saraakiisha ku waydiiyey su’aalo faahfaahsan oo ku saabsan sida ay qorsheeyeen weerarkaas iyo qaabka uu u dhisan yahay guriga la weerari rabo.

Wuxuu wax ka weydiiyay nalalka, cimilada, qalabka dhismaha iyo arrimo kale oo saameyn ku yeelan kara guusha hawlgalka, ayuu yiri sarkaalkaan.

Biden ayaa sidoo kale codsaday in la falanqeeyo waxyaabaha ka dhalan kara haddii ay diyaaradaha Mareykanka weerar ka fuliyeen gudaha Kabul.

Sargaalka ayaa sheegay in qareeno sarsare oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ay baaritaan ku sameeyeen xogta sirta ah ayna xaqiijiyeen in Zawahiri uu ahaa bartilmaameed sharci ah oo ku saleysan inuu yahay hoggaamiyaha Al-Qaacida.

Taalibaan ayaa cambaareysay duqeynta ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna sheegeen inay xadgudub ku tahay heshiiskii nabadeed ee Doxa ay kula saxiixdeen dowladda Mareykanka.

Bishii Luulyo 25-keedii, Biden wuxuu ogolaaday xubnihiisa muhiimka ah ee golihiisa wasiirada iyo la-taliyayaashiisa inay helaan warbixintii ugu dambeysay oo ay ka wada hadlaan sida dilka Zawahiri uu u saameyn doono xiriirka Mareykanka iyo Taalibaan, iyo arrimo kale, ayuu yiri sarkaalku.

Ka dib markii uu ka waraystay aragtiyaha dadka kale ee qolka ku jira, Biden waxa uu oggolaaday in la fuliyo weerarkaan oo dhanka hawada ah, isagoo shardi uga dhigay yareynta halista khasaaraha rayidka ah.

Duqeynta ayaa ugu danbeyn la fuliyay 6:18am xiliga Afghanistan oo ku aadaneyd 1.48am GMT ee 31-kii July, waxaana howlgalka fulisay diyaarad Drone ah oo riday waxa loogu yeero gantaalada “hellfire”.