Sheekada hooyo 9 caruur dhashay oo u dhimatay cabsi galinta Al-Shabaab (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar fuleynimo ah oo u muuqday cabsi galin ayey Al-Shabaab ku qaaday shacabkii reer Muqdisho ee Khamiistii dareenkooda ku muujiyay banaanbaxii ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow, kaasi oo galaafatay nolosha Fardawsa Maxamed Axmed, oo aheyd Hooyo Soomaaliyeed.

Hooyo Fardawsa ayaa ifka uga tagtay sagaal carruur ah, oo kala ah shan wiil iyo afar gabar, waxayna aheyd ruux kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayay qoyskaas, sida uu sheegay Sayigeedu.

Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ah Sayigii qabay Fardawsa oo warbaahinta la hadlay isaga oo wajigiisa ka muuqato tiiraanyo adag ayaa waxa uu sheegay in garab istaago iyo kaalmo u baahan yahay.

“Waxay ku dhimatay qarax, waxay aaday Garoonka oo wey kasoo laabtaya degmadii ayay aaday, degmadii ayaa bam lagu tuuray sidaas ayay ku dhimatay. Hooyo wax ay qaban karto wax yar ma ahan, maanta dhibaato aad u xanuun badan ayaa i gaartay,” ayuu yiri.

“Hooyadii wax kala dabareysay hadey iga tagtay oo Sagaal caruur ah oo yaryar ah ii joogaan. Waxaan garab ka codsana dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir oo booqday Aabahaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xaaskiisa, oo u dhimatay gumaadka iyo cabsi galinta ay ku hayaan Al-Shabaab.

Waxay sheegeen in garab buuxa u yihiin, islamarkaana ay garab taagan yihiin sidii ay kaalintooda ugu muujin lahaayeen reer Maxamed Cabdulqaadir Cismaan.

Fardawsa ayaa waxaa galaaftay falalka arxan darrada ah ee Shabaab, kaasi oo sanado badan ku cabsi galin jireen shacabka Muqdisho oo maalintii Khamiistii sheegay inaysan gabaad u noqon doonin argagixisada.

Khamiistii ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax weyn oo billow u ahaa kacdoon ay caasimadda uga soo horjeedo Al-Shabaab, waxaana markii uu soo idlaaday oo dibad-baxayaasha guryahoodii kusii socdeen lagu weeraray bambaanooyin Saddex ah, kuwaasi oo laba kamid ah lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaan-baxayaasha.

Sidoo kale Bab-gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey, halkaasi oo dadweynaha degmada isugu tageen, markii laga yimid garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow.