Daawo: Wiil yar oo baranayey kutubo cilmi oo si arxan-darro ah loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay degmada Kaaraan ka geysteen koox ciyaal weero ah, kadib markii ay weerar ku qaadeen Cabdiraxmaan Sheekh Muxumad Maracadde oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay in xalay maqribkii ay si arxan darro ah u dileen koox ciyaal weero ah, xilli uu ku sugnaa xaafadda Xaawo Casir ee degmada Kaaraan.

Cabdiraxmaan ayaa ahaa wiil yar, wuxuuna Kutubo Cilmi ka baranayey mid ka mid ah masaajidyada ku yaal halkaasi, sidoo kalena wuxuu ku jiray fasalka 2-aad ee dugsiga sare.

Hooyo Safiyo Sheekh Muxumad Godane oo dhashay marxuumka ayaa ka warbixisay dilka wiilkeeda, waxayna sheegay in 7 mindi ay ku dhufteen ciyaal weero, xilli ay adeeg u dirsatay.

“Canuga la dilay waxaan u ahay Hooyadiis gacan ka gar-daran ayaa dishay meel qabow Allaha geeyo marka u horreyso. Ciyaal weero ayaa jidka ku heshay adeeg ayaan u dirsaday, marka isaga oo adeegga ku maqan ayaa la dilay todobo mindi ayaa lagu dhuftay,” ayey tiri Hooyo Safiyo Sheekh Muxumed.

Sidoo kale waxa ay baaq u dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka dalbatay in cadaalad loo raadiyo wiilkeeda, si sharciga loola tiigsado dadkii dilay.

“Cadaalad ayaan u baahanahay in dadkii soo dilay la horkeeno cadaaladda oo cunugeygu cadaalad helo,” ayey raacisay Hooyo Safiyo Sheekh Muxumed Godane.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in lasoo qabtay qaar ka mid ah kooxda ciyaal weerarada ee dilka u geystay AUN Cabdiraxmaan Sheekh Muxumad Maracadde, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka ay deegaanka ka geysanayaan ciyaal weerada ayaa maalmihii u dambeeyey kordhay, kuwaas oo sababay in xaafadaha qaar laga barakaco.