Daawo: Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray qorshaha safarka Imaaraadka

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maqribadii galabta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ku jiro wasiirka cadaaladda dowladda Imaaraadka Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahin ka soo saaray waxa uu ku qotomo safarkaan, waxaana caawa bilaawday kulamada uu Rooble la yeelanayo madaxda sare ee dowladda Imaaraadka.

Agaasimaha warfaadinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka uu ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaa qorsheysan in Ra’iisul Wasaaruhu inuu wadahadallo kala duwan la yeesho madaxda dalka Imaaraadka oo Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir qota dheer oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo taariikhda,” ayuu yiri Liibaan Cabdi.

Wafdigaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehliya, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo dowladdiisu ay xiriirka u jartay Imaaraadka, waxuuna Farmaajo garab ka helayaa dowladda Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Hoos ka daawo faahfaahinta safarka Rooble