Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka safarka Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay ๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ถ๐ถ ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ.
Waa safarkii ugu horeeyey ee Raโiisul Wasaare Soomaaliyeed u uku tegayo Laascaanood, waa booqasho qeyb ka ah โdadaallada xukuumadda Xamsa ee nabadda, midnimada, iyo horumarinta dalkaโ sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay goโaan adag oo ay ku ilaalineyso midnimada dalka, Raโiisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si dhow ugu kuur-geli doona xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo.
Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay Xamza Cabdi Barre uu booqashadaan diiradda ku saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, six al waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada SSC Khaatumo.
Masuuliyiinta SSC Khaatumo ayuu Xamsa Cabdi Barre la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood, sidoo kale wuxuu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay shaacisay xukuumaddu.
Hormarka deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ayaa diiradda lagu saari doonaa safarka Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood, nabadeynta deegaanka iyo mideynta bulshada ayaa saldhig looga dhigi doonaa wax kasta.
Xamza Cabdi Barre, ayaa Laascaanood ka dhagax-dhigi doona, kuwa la hirgeliyana xarigga ka jari doona, sida lagu shaaciyey faahfaahinta xukuumadda ee safarkaas.
โXukuumadda Soomaaliya waxaa ka goโan in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo tayo lehโ ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Hoos ka daawo

