Daawo: Xamza oo amniga Muqdisho u xil-saaray haweenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya Xamse Cabdi Barre oo shalay ka qeyb galay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen xubnaha ugu sareeya haweenka gobolak Banaadir ayaa si adag uga hadlay amniga caasimadda Muqdisho.

Kulankaan ayaa looga hadlaayey doorka haweenka ee amniga dalka, isagoo sheegay in haweenku ay ku filan yihiin in Al-Shabaab laga nadiifiyo degmooyinka Muqdisho.

Xamse Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in mudo sidaan u dheer ay Al-Shabaab laayaan dadka Soomaaliyeed, “Waxaan uma sii dul qaada karno waana xeeb in raggaas ay guryaha ku heystaan dad anaga naga mid ah,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa haweenka kula dardaarmay inay go’aan kama dambeys ah qaataan, oo dhab ay u qaataan soo celinta sharaftii ay Soomaalidu laheyd.

“Waxaa amaanayaa gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan idiin xil-saarayaa Muqdisho, idinkaa amnigeeda masuul ka ah hadda kadib, raggu duurka ayey ka xoreynayaan cadowga, laakiin magaaladaan idinkaa xoreynaya,” ayuu yiri Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Haweenka waxaan leeyahay Shabaab waa u dhamaatay, ee nala dabar gooya oo Muqdisho ka nadiifiya, hadaa aragtaan mid wata qori bastoolad ka weyn noo soo sheega, boolis iska daaye militeri ayaan soo gelinaynaa.”

“Horta minakaas Shabaab lama dhaho ee hadda kadib Khawaarij dhaha, magaca Shabaab waa mid fiican oo horay ayey noogu qaldeen ee hadda kadib Kahwaarij dhaha, iskana dhiciya,” ayuu yiri Xamse.

Hoos ka daawo