Daawo: Mareykanka oo DF ku wareejiyey hub ay kula dagaalanto Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda maanta ka dhacday safaaradda wuxuu ku wareejiyey wasiirka, hubkaas, agab kale oo ciidan iyo gadiid dagaal, asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Mareykanaka uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in tani ay fariin u tahay dalalka kale ee caalamka.

“Waxaan maanta la wareegnay agab loogu tala galay Danab, dowladda Mareykanka aad ayey nooga taageertay dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed lagu aamini karo hub iyo wax kasta oo howlaha qarankooda ah, isagoo dalalka kale ee caalamka ka codsaday inay garab istaag u muujiyaan Soomaaliya oo soo kabaneysa.

“Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu wasiir Jaamac hadalkiisa ku sii daray.

Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa door-weyn ka cayaareysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidanka xoogga dalka ay kooxda ka xoreeyeen deeganno badan.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inay xoogga saarayaan tayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo wajahaya dagaal adag oo dib u xoreyn ah, kaas oo saaxada looga tirtirayo kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo