Daawo: Xiisadda Gedo oo ka sii dartay iyo guddoomiyihii hore oo soo rogaal celiyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Mucalimuu oo wata ciidan xoog leh ayaa Garbahaarey ka soo diray fariin culus oo ku socota dowladda federaalka, isagoo sheegay inuu soo ceshaday xilkiisii guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiye Cusmaan Mucalimuu ayaa u doodaya siyaasiyiin uu sheegay in loo diiday inay tagaan gobolka Gedo, kuwaas oo Muqdisho ku xayiran, isla markaana uu baaritaan ku sameeyey cidda xayireysa raggaas.

“Waxaa siyaasiyiinta gobolkaan u dhalatay ee Al-Shabaab ka xoreysay ka hor taagan nin la yiraahdo Canjeex oo hal wiil uu ilaaliyo, sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa ka mid ah ragga wax celinaya, anaguna ma yeeleyno in gobolkooda loo diido raggii Shabaab ka xoreeyey,” ayuu yiri Mucalimuu.

Canjeex oo ninkaan uu ku eedeeyey inuu hor istaagay siyaasiyiin u safreysay gobolkaas waa Guddoomiyihii Farmaajo u magacaabay gobolka Gedo, waxaana weli halkaas ka shaqeeya amarkiisa.

Cusmaan Macalimuu oo xilka guddoomiyaha gobolkaas ay dowladii Farmaajo xoog uga qaaday ayaa ku dhawaaqay inuu soo ceshaday xilkiisii, isla markaana uu yahay guddoomiye sharci ah oo Jubbaland ugu magacaaban gobolkaas.

“Jubbaland ayaan u shaqeynaayey cid sharci iiga qaday xilka guddoomiyaha gobolkaana ma jirto, laga bilaabo saacadaan waxaan sheeganayaa guddoomiyaha gobolka Gedo, waxaana ku shaqeynayaa oo ka soo dhex hadlayaa xarunta gobolka ee Garbahaarey,” ayuu yiri Mucalimuu.

Ninkaan ayaa ku goodiyey in diyaarad aan sidin siyaasiyiinta loo diiday inay tagaan gobolka Gedo aysan ka soo degi karin Garbahaarey oo garoonku uu ka xiran yahay hadda kadib.

Isagoo fariin u diray DF ayuu yiri, “Sharci la’aan laguma dhaqmi karo, dowladda federaalka waxaan ka rabnaa inay wax ka qabato cidda fadhisa garoonka Muqdisho ee diyaaradaha u diideysa siyaasiyiinta u dhalatay gobolkaan.”

Cusmaan Mucalamuu ayaa sheegay in dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh laga jecelyahay gobolka Gedo, isla markaana uu diyaar u yahay in gobolkaan lagu daro maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubbaland.

Hoos ka daawo