DENI oo shaaciyay sababta uu ku diiday labo kamid ah qodobada shirkii Muqdisho

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababtii uu ku diiday saxiixa laba qodob oo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maalmo kahor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Labadaas qodob ayaa kala ahaa 1-In la federaaleeyo Garsoorka dalka, 2 Astaynta awoodaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Saciid Deni ayaa ayaa sheegay in qodobadan ay kasoo horjeedaan Dastuurka Puntland, kan federaalka, isla-markaana meesha la keenay wax ka duwan sida ay u shaqeeyaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qodobada miiska lasoo saaray ee uu diiday ay sidoo kale ahaayeen kuwa aysan suuragal aheyn inay aqbasho Puntland, sida uu ku dooday.

“Labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka iyo shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qodobadan uu arkay in markale nidaamka iyo awooda dib loogu celinayo dowladda dhexe, iyada oo meesha laga saarayo federaalka.

“Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano iy Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe),” ayuu markale yiri Saciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay arrintaan ka sameyn doonto wadatashi ballaaran, ayna kasoo saari doonto mowqif cad.

“Waxa aan soosaari doonnaa mowqifka Dowladdaan aan ku sameyneyay muddada aan joogno si aan ula jaanqaadno” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni

Puntland oo lagu naaneeso hooyada federaalka, isla-markaana ah maamulkii ugu horreeyay ee dalka ka aas-aasmay ayaa si gaar ah isaga diiday labadaas qodob oo ay saxiixeen maamullada kale ee la midka ah ee ka jira dalka, taas oo ay dad badan su’aalo ka keeneen.