CAWAD oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka horyimid tallaabadii uu doorashada u qaaday Saciid Deni.

Cawad ayaa ka biyo diiday diiwan-gelinta hadda ka socota deegaanada maamulkaasi, taas oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan laga wado Puntland, Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay qaabka ay madaxtooyada wax u wado, isaga oo sheegay in waxa socda laga leeyahay ujeedooyin guracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-gelintaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay diiwaan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Dajire Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in diiwaan-gelintaas ay diideen dhammaan ururada siyaasada ee ugu waaweyn Puntland sida uu ku dooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Danjire Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka Puntland.

“Waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Puntland ayaa wajaheyso xaalad kacsan, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay hanaanka doorashada maamulkaasi oo ay haatan isku hayaan mucaaradka iyo madaxtooyada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda.

Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.