Dal Carbeed oo $100 milyan ka cafinaya Soomaaliya

Bagdad (Caasimadfa Online) – Dowladda Ciraaq oo kamid ah dowladaha Carbeed ee deynta ku leh Soomaaliya ayaa shaacisay inay kala bar deynta ka cafin doonto Soomaaliya, sida uu shaaciyay Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Sabaan.

Lacagta ay Ciraaq ku leedahay Soomaaliya ayaa gaareyso illaa 187 Milyan oo dollar, taas oo haatan ay ka cafinesyo ku dhawaad 100 milyan oo dollar, waana tallaabo horay loo qaaday, taas oo sii dhaqaajineyso geediga deyn cafinta Soomaaliya oo hadda dar dar ku socdo.

Sidoo kale dowladda Ciraaq ayaa go’aankeeda gaarsiisay Ururka Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay Agaasimaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Bariga Dhexe ee The Middle East News Agency (MENA).

Sabaan wuxuu sidoo kale sheegay in go’aamadii ka soo baxay shirarkii is xig xigay ee dowladaha Carabta ay ku booriyeen dalalka in ay mudnaanta koowaad siiyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Marka loo eego tirokoobyada, wadarta guud ee deynys Ciraaq ku leedahay Soomaaliya waxay ahayd ku dhawaad 187 milyan oo dollarka Maraykanka ah, ilaa December 2019, lama oga xiligan 2023 inta ay mareyso maadaama uu jirto lacag dulsaar ah oo ku socota.

Soomaaliya waxaa soo maray xaalado kala duwan, dagaallo iyo dowlad la’aan, iyadoo deymaha dibadda looga leeyahay oo gaaraya illaa 5 bilyan ay sii kordhaysay sanadba sanadka ka dambeeya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa bilaabey 2016-kii inuu wax ka qabto arrimaha deymaha dibadda ee Soomaaliya.

IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya deynta cafinta Soomaaliya oo shuruudo adag lagu xiray dowladda inay kasoo baxdo, kuwaasoo ay kamid yihiin dib u habeynta nidaamka maaliyadda iyo kordhinta dakhliga gudaha.

Barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya ayaa soo soo socday sanado badan, kaas oo ay hadba heer ay soo gaarsiiyeen dowladihii kala duwan ee soo maray dalka.

Si kastaba, haddii ay Soomaaliya dhameystirto barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan ayaa waxa ay heli doontaa maal-gelin caalami ah oo gudaha dalka ah.