Waddada kale ee Al-Shabaab ay raadinayaan kadib markii dagaalka uu ku xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira warar la isku khilaafsan yahay oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horeysay codsatay in lala furo wadahadal, iyadoo uu dagaal culus ka socdo koonfurta iyo bartamaha oo Al-Shabaab ay ka joogaan dalka.

Ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu cadeynayo inay dalbanayaan wadahadal, balse dowladda ayaa si deg deg ku jiro u baahisay warkaan, kadib markii wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya uu shaaciyey jiritaanka codsiga ka yimid Al-Shabaab.

Inkastoo deg deg guulo waaweyn looga gaaray dagaallada ka socda dalka oo dowladda iyo shacabka geliyey rajo badan oo ay ka qabaan in lasoo afjari karo kooxda, hadana Al-Shabaab waxay heystaan dhaqaale badan, dagaalyahano, qibrad dagaal iyo mid maamul, maadaama ay in ka badan 15 sano dagaal kula soo jireen dowladda.

Haddaba xilligaan suurtagal ma tahay in wadahadal ay dowaldda Soomaaliya la gasho Al-Shabaab? Su’aashaan ayaan weydiinay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ah falanqeeya arrimaha amniga.

Axmed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab uu u muuqato mid raadineysa xeelad cusub oo ay kaga badbaadi karto duulaanka ku socda, si cimrigeedu uu u sii dheeraado.

“Waxaa laga yabaa in ay hadda raadinayaan waddo kale oo ay kaga badbadaan dowladda iyo shacabka ee is wata iyo sidoo kale beesha caalamka oo garab taagan,” ayuu yiri Falanqeeye Axmed Cabdullaahi Kaboole.

Sidoo kale Axmed ayaa sheegay in aan la ogeyn qorshaha dowladda Soomaaliya uga degsan hadii uu Al-Shabaab ka yimaado codsi wadahadal ah.

“Waxaan la ogeyn in dowladda ay wadahalkaas diyaar u tahay, inkastoo madaxweynaha la doortay 15-kii September uu sheegay in wadahalka uu u furan yahay, laakiin haddana ma cadda in dowladda ay diyaar u tahay inay la xaajooto oo hor fariisato Al-Shabaab, halkaas caalamo su’aal ayaa taagan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Falanqeeye amni Axmed Kaboole.

Ninkaan ayaa sheegay in laga yaabo in beesha caalamka ay daneynayso wadahal dhexmara labada dhinac, madaama uu dagaalkani daba dheeraaday oo 15 sano ka badan ay dowladdu dagaal kula jirto Al-Shabaab.