Sawirro: Ciidamo ka baxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku gaaray GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka amababaxay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa maanta safar dhanka dhulka ah waxa ay ku gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka aya waxaa si weyn Gaalkacyo ugu soo dhoweeyay saraakiil ciidan iyo maamulka degmadaas, ayaga oo halkaasi maalmo sii joogi doono.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo ay weli degmooyin ka heysato kooxda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaas ay u diyaarsan yihiin inay xoreeyaan deegaanada maamulka Galmudug.

“Ciidankaan oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan cutubyo u diyaarsan inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Galmudug,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta dowladda.

Safarka ciidamadan ay ku gaareen Gaalkacyo ayaa muujinayo in guul weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, maadaama la xoreeyay inta badan deegaanada HirShabelle, taas oo u sahashay ciidamada Xoogga dalka inay safar dhulka ah ku gaaraan magaaladaasi.

Galmudug ayaa haatan isku diyaarineyso howlgallo xoreyn ah oo ka bilaabanayo gobollada maamulkaasi, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug oo ay qaybo ka joogaan Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay ka dhasheen kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka ka bilaabeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe & Galgaduud kaas oo ay hoggaamineyso dowadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaana Al-Shabaab looga saaray deegaano horleh.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, taas oo dalka gelisay xaalad adag oo amni, waxayna dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa caalamka, waxaana ugu dambeeyay Mareykanka oo shalay gaadiid dagaal iyo hub ku wareejiyay dowladda dhexe.