Daawo: XAMZA oo weerar culus ku qaaday PUNTLAND ugana digay arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaasaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadalkii ugu adkaa kula hadlay maamulka iyo shacabka Puntland, xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac.

Xamza, oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho, ayaa Reer Puntland uga digay in taariikhda Soomaaliyeed aysan baal madow ugu qormin xilligan.

Ra’iisul Wasaare Xamza, oo aan looga baran hadallada adag, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan. 

Wuxuu kaloo uu sheegay inay hortaagan tahay in 400 macallin oo ka shaqeynaaya waxbarashada Puntland iyo in deegaanadeeda laga soo qoro askarta dowladda federaalka.

“Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee walaalahay ah, ma mudnidiin taariikh madoow in Puntland ku qoranto, in la yiraahdo dayn cafintii Soomaaliya waa fashilantay, yaa fashiliyay Puntland, lama qaadan karo taas, waxaan codsaneynaa horumarka iyo siyaasadda in la kala saaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo shacabka Puntland ka codsaday inay diidaan wixii ka dhan ah arrinta dayn cafinta, kana hor-imaadaan ciddii ku lug leh.

“Dhallinyarada Puntland waxay xaq u leeyihiin inay shaqo ka helaan dowladda dhexe, ka badan 400 macallin ayaan diyaar u nahay inaan mushaar siino oo waxbarashada Puntland micno kusoo kordhiyaan, dhallinyarada haddaan cod ka rabno, waad fiican tihiin dhahno, marka ay shaqo heli lahaayeen, ma shaqadaan ka hor istaageynaa, maya, dhallinyarada waa in loo ogolaadaa inay shaqeystaan, dowladdooda waa inay u ogoladaa shaqooyinka,” ayuu yiri ra”iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa is weydiiyay cidda mas’uul ka noqon doonta haddii la waayo dayn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu baaqay shacbaka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inkstoo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.