Maxaa ka jira in askari ay tababar u qaaday DF lagala baxay xubnaha jirkiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii u horeysay caro xooggan oo ka dhalatay askari ay tababar dowladda ugu dirtay dalka Uganda oo la sheegay in xubno kamid ah jirkiisa lagala baxay.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa beeniyay in askarigaas lagala baxay qaar kamid ah xubnaha jirkiisa, isaga oo sheegay in qaliin lagu sameeyay jirka askarigaas oo geeriyooday.

Waxa uu sheegay in askarigaan uu xanuusansaday isaga oo tababarka ku jira, kadibna la dhigay isbitaal ku yaal Kampala, halkaasi oo markii dambe uu ku geeriyooday.

“Waxaa lagu qasban yahay in qofka jirkiisa la jeexo si loo xaqiijiyo waxa geeridiisa sababay. Report-kiisii iyo fayl-kiisii oo ay ku jiraan asbaabta uu ugeeriyooday iyo maydkiisa ayaa la diyaariyay, waxaa kadibna loo soo qaaday dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sheegay in qaliinkiisa si qaldan loo fasiray kadib markii laga soo dejiyay meydka marxuumka magaalada Muqdisho, “Qolo ayaa war xumo tashiilisay markii ay arkeen jirkiisa oo jeexan, meyd la jeexay Soomaalida niman ka dharagsan ma ahan, war xun ayaa loo sheegay oo intaas ayaa deegaanka gaartay.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay wasiirka gaashaandhigga in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay masuul ka tahay ama askari ay tababar u dirtay lagula kaco arrintaasi oo kale.

“Masuuliyad intaas le’eg anoo haya in askari ciidanka xoogga dalka ka tirsan in waxyaabahaas qaarkood lagu sameeyo, ama raali ka noqon. Soomaaliya horey ciidamo ayay ugu dirtay Uganda iyo dalal kale, mana dhicin waxyaabahaas oo kale. Mana ahan waxaas wax ka suurtowda dowladda Soomaaliya.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay banaanbaxyo arrintaan uu beeniyay looga soo horjeedo ka dhaceen magaalada Xudur ee gobolka Bakool, oo markii hore laga qaaday askariga tababarka loo geeyay Uganda ee dalkaasi ku geeriyooday, maydkiisana dalka lagu soo celiyay.