Kulane Jiis oo weerar ku qaaday DF – “Waxay beerdareysay halgankii…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan xoogooda uu ka socdo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Kulane Jiis oo weerar ku qaaday dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la haystay fursad weyn oo loo adkaan karay Shabaab, balse dowladdii ay ka gaabiyay.

“Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxa uu lahaa fursado gaar ah oo waawayn  loogana adkaan karo Al-Shabaab. Waxaa jiray kacdoonkii Macawisley iyo ciidan karti leh oo dhisan loogana adkaan karay Alshabaab,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdullahi Kulane.

Xidlhibaanka ayaa xusay in haatan dagaalka uu isku beddalay fashil, isaga oo tusaale usoo qaatay khudbaddii guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo shalay sheegay inuu u itaal waayay howlgalkii gobolkaas, isaga oo toos ula wadaagay Cali Guudlaawe.

“Dagaalku waxa uu isu beddelay fashil sida ku cad hadalkaan hogaamiyaha Macawisley, Gudoomiye Cali Jayte. Qayla-dhaanta Cali Jayte waxay tilmaan u tahay  baaxadda guul-darrada taagan,” ayuu mar kale sii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay beerdareysay fursaddii ay heshay, gaar ahaan halganka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleuda.

“Dowladda waxay meel cidlaa ku beerdareysay taageerada bulshada iyo halgankii Macawisleey ee dad badani ku shahiiday.Qirashada hogaamiyaha Macawisley  oo ah in aysan sii wadi karin dagaalka waa jab weyn oo horseedi kara khatara badan,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa muuqata in dowladda dhexe ay awalba dagaalka ugu jirtay inay indhaha shacabka kaga jeediso dhaca iyo musuqmaasuqa baaxadda leh ee wadanka ka socda!” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Cabdullaahi Kulane.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la filayo inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan waddamada dariska.