Daawo: Xasan Sheekh oo jeediyey digniin la xiriirta golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay cawaaqib xukumada ka dhalan karta magacaabis la’aanta xukuumadda federaalka ee laga sugayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey TV-ga Saab, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan hanaanka doorashooyinka waxna ku kordhi karin, waxna ka dhimi karin, balse ay muhiim u tahay

Waxa uu sheegay in doorka uga aaddan uu yahay fududeyn oo kaliya, “Hadii wax la qaldayo, wax badan waa la haleyn karaa, laakiin doorka hadda u furan xukuumadda, waa inay fududeeyaan dhismaha wasasradaha ay khuseydo howshaan, si ay uga shaqeeyaan sidii ay doorashadu u dhici laheyd” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo is dul taagay howlaha muhiimka ah ee looga baahanyahay xukuumadda cusub ayaa yiri, “In la dhiso xukuumad cusub waa sax, balse wasaaradaha qaar kood oo shaqo ku leh howsha socota, dhismahooda waa in la fudeeyo, si doorashadu dhib la’aan ugu dhacdo, oo dadka xasaasiyaadkooda loo ilaalyo, amniga loo sugo, dhaqaalaha ku baxayana loo fududeyn lahaa, laakiin heshiiska doorashadu waa mid siyaasadeed oo la sharciyeeyay, isla markaana meel yaalla.”

Waxa uu sheegay in ka mucaarad ahaan ay mar hore u diyaar-garoobeen doorashada dalka, isla markaana ayba jeclaan lahaayeen in waqtiga loo qabtay ka hor la qabto.

“Markii la eego mucaaradka diyaar garowgiisa, annagu afartii sano ee lasoo dhaafay wax kaleba kama aanaa shaqeyneyn, waxaan u diyaar garownay doorasho weyn oo qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo, balse hadii loo noqonayo tii 2016-kii, waaba ka fududahay taan fileynay inay dhici doonto, marka wararka dhahaya mucaaradku diyaar uma ahan doorasho, waxba kama jiraan” ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka Daawo