Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay isbedel la sheegay inuu ku yimid mowqifka Madasha ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay inuu jiro isbedel ku yimid mowqifkii Madasha Xisbiyada Qaran, xili xubno ka tirsan Madashu ay gacan saar la yeeshen madaxda sarre ee dowladda federaalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuusan jirin isbedel ku yimid mowqifkoodii ku aadana doorashada, taasi oo gaashanka u daruureysa xubno ka tirsanaa Madasha oo lasoo wariyey inay tartan ugu jiraan xilkii uu baneeyay Ra’iisal wasaare Kheyre.

Xasan ayaa waxa kale oo uu sheegay inuusan jirin Ajende siyaasadeed oo uu guddoonka golaha shacabku u waday Madasha, maadama ay maalmihii u dambeeyay u socdeen kulamo gar ah oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Madasha ay ka go’antahay in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomto, iyada oo heshiis lagu yahay nooc doorasho oo ay isku raacday saamileyda siyaasada ee dalku.

“Waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixinayey kulankii guddoonka Golaha Shacbka iyo Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka labada dhinac dhexmaray ayuu sheegay inuu la mid ahaa oo kaliya kulamadii hore, balse aysan jirin wax gaar ah oo diirada la saaray.

Wuxuu yiri “Waxa kale oo rabaa inaan faah-faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay isoo weydiyeen siyaabo kala duwan, waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”

“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax fariin ah oo ay ka guddoomeen guddoonka Golaha Shacabka, iyo mid ay iyaga u dhiibeen.

“Kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah.” ayuu markale yiri Xasan Sheekh oo ka mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ballaariyo wada-tashiyada siyaasadeed ee hadda socda, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Soomaaliya todobaadkan gashay is-bedal siyaasadeed oo xoogan, kadib markii ay si lama filaan ah xildhibaanada Golaha Shacabka xil-kii uga tuureen, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh