Akhriso: Magacyada shan xubnood oo DF ay ku biirisay golaha adeega garsoorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey shanta xubnood oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka, kuwaas oo bannaanka ka imaanaya.

Xubnahan shanta ah ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kala ah.

1 – Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi,

2 – Cali  Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis),

3 – Cabdullaahi Cali Cismaan,

4 – Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani)

5 – Iyo  Ifraax Maxamuud Cumar.

Magacaabista xubnahan ayaa imaaneysa, iyadoo mudooyinkii dambe ay cabasho xoog leh ka imaaneysay shaqaalaha garsoorka dalka, kuwaas oo qaarkood lagu war geliyey in imtixaan laga qaadayo.

Inka badan 20 xubnood oo shaqaalaha garsoorka dalka ka tirsan ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay in qiil loo raadinayo sidii shaqada looga ceyrin lahaa, kadib markii iyaga oo mudo soo shaqeynayey lagu war geliyey in shaqada ay hayaan ay imtixaan u gelayaan.

Is qab-qabsi dheer kadib kiiska shaqaalahaas waxaa la wareegay xafiiska xeer ilaalinta dalka, oo sida la sheegay go’aan ka soo gaaraya.