Daawo: Xasan Sheekh oo ‘si cajiib ah’ uga hadlay rabshadaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhalata rabshadaha Somaliland ka socda aysan ku koobnaa doonin kaligood oo ay saamey doonto dhamaan Soomaalida iyo gobolka.

“Walaalayaal waxaan aad uga dardaarmeynaa, ha gaarina meel dibadda la idinka soo fara geliyo, meel Soomaali kale inay idiin soo gurmato aad u baahataan, waxa kaliya ee aad uga baaqsa kartaana waxay tahay, inaad wada fariisataan oo danihiina ka tashataan, si aad horay ugu socotaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in dadka reer Somaliland ay dowladnimo u sameysan tahay, taas oo muhiim u ah inay ilaashadaan oo ka tashadaan waxa la isku diidan yahay.

“Nabad, maamul iyo kala dambeyn ayaad heysataan, waa wax aad u qiimo badan oo qofkii ay ka maqan yihiin uu qiimaheeda garan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa hoggaamiyaasha qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay u istaagaan qaboojinta xiisadaan, “Waan idiin soo duceyneynaa, walaalihiin ayaan nahay, wixii aad nooga baahataana diyaar ayaan idiinla nahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo