24.5 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Daawo: Xil. Cabduqaadir Cosoble oo shaaciyay qorsho cusub oo DFS ay ku dooneyso wakhti kororsi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ee hadda jirta ay qorsheyneyso inay sameyso muddo kororsi.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay inay jirtay rajooyin muujinaayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xiligeeda ah, balse ay dhici karto wakhti kororsi, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo wareysi gaara siinaayay Telefeshinka Dalsan xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in arrintaasi ka hortageeda laga doonaayo gudiyada loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu Xildhibaan C/qaadir Cosoble soo hadalqaaday in xitaa doorashada ay usii diyaar garoobayaan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira waxa uuna carab dhabay in rajo weyn ay ka qabaan doorashada.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in dowlada hadda jirta ay sabab la’aan dib ugu dhigtay kulamada baarlamaanka oo ku dhawaad afar bil aan si wanaagsan u qabsoomin, waxa uuna cadeeyay in wakhtiga looga dilay Mooshin iyo burbursiga Guddoomiyihiii hore ee baarlamaanka Jawaari.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA COSOBLE

- Advertisement -

Read more

Local News