Daawo: Xil noocee ah ayuu FAYSAL Cali WARAABE u dhiibi lahaa Farxiya Fiska?

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland UCID,Feysal Cali Waraabe, oo magaalada Hargeysa kula kulmay Fannaanada Farxiya Fiska ayaa sheegay in fanaada ay soo dhaweyn kala kulantay dadka Somaliland.

Fiska qudheeda ayaa munaasabada ay ku kulmeen Feysal Cali Waraabe ka sheegtay in maalmaha ay ku sugan tahay magaalada Hargeysa uu kordhay miisaanka jirkeeda oo ay ula jeedo nasiibka iyo niyad samida.

Feysal Cali Waraabe, oo khudbad gaaban kusoo dhaweynaayay Farxiyo Fiska ayaa goobta ka sheegay xilka uu u magacaabi lahaa Fannaanada.

Waxa uu sheegay inuu u magacaabi lahaa Ambasadoorka Somalia, isagoo si ay ku jirto dhiirnaan ugu baaqay in Somalia ay kala hadasho la dhaqanka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, ayaa kaalmaha hore kaga jira Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida sahlan uga jawaaba su’aalaha waxaana xusid mudan in amaantiisa iyo dhaliishiisa ay wada socdan.