Daawo: Xildhibaannada oo ansixiyay sharci muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa go’aan ka gaaray Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka, kaas oo ay goluhu mariyeen saddex akhrin, si ay u eegaan.

Sharcigan oo ay horay usoo meel-mariyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa indhowaanahaan ka doodayay xubnaha baarlamaanka oo iyaguna maanta doodooda soo gabagabeeyay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay shacrigaan, kadib cod ay maanta u qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa ku dhowaaqay inuu ansax yahay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.

“Xildhibaanada ka aamusay waa 4 xildhibaan, xildhibaanada diiday inuu sharcigaan gudbo waa 3 mudane, xildhibaanada ogolaaday inuu sharcigan ansaxo oo uu golaha maro waa 135 xildhibaan, sidaas daraateed Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka waa ansax” ayuu yiri.

Intaas kadib ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya u mahadceliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka ku sugnaa, wuxuuna tilmaamay in sharcigaan uu xilligan muhiim u yahay Soomaaliya.

“Waxaan aad u boggaadinayaa, uguna mahacelinayaa Golaha Shacabka oo waajibkiisa qaran ka gutay xeerka Hanti Dhowrka Qaranka oo kamid ah xeerarka muhiim ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay dadaal xoogan gelisay meel-marinta Hindise Shaciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, isaga oo sheegay inuu muhiim u yahay hannaanka maamul ee maaliyadda dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadaal xoogan ayaa la geliyay Sharciga Hanti Dhowrka Qaranka xildhibanadana si xilkasnimo leh ayay u ansixiyeen, wayna mahadsan yihiin.” ayuu sii raaciyay.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.