Daawo: Xildhibaan Fiqi: Farmaajo wasiir kama doonan, Imaaraadkana lacag ima siinin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in aanu marna ku qanacsaneyn qaabka Madaxweyne Farmaajo talada dalka u wado, isagoo ku dhaliilay in aanu fulin balan-qaadyo badan oo uu sameeyay ka hor inta aan la dooran.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay taladeeda meel xun ku socoto, waxaana uu xusay in dad kooban ay talada dalka gacanta u gashay.

“Waa Ayaan darro in 27 sano kaddib ay taladii Soomaaliya inay dad kooban ku soo uruurto, hadii wax la sheego waa toosin, ma jirto cid hub wadata, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, Agaasime kama doonan, hadana kuma qanacsani qaabka uu wax u wado”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda Federaalka ayaa sheegay inuusan wax jago ah ka doonan Madaxweyne Farmaajo balse aanu ku qanacsaneyn qaabka uu wax u wado.

Isagoo ka hadlayay furitaanka madal ay ku bahoobeen siyaasiyiin taageera dowladda ayuu caddeeyay in mucaaradnimadiisa ay tahay wax toosin isla markaana Madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka qaban balanqaadyadii uu dadka u jeediyay.

Xildhibaan Fiqi ayaa iska fogeeyay inuu Imaaraadka Lacag ka soo qaatay, wuxuuna taasi u daliishay inuu mooshin ka geeyay dowladda Imaaraadka.