Daawo: Xildhibaan Zakariye oo ka digay arrin halis ah oo kasoo socota ITOOBIYA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka feejignaadaan qatar ka imaan karta colaadda ka socota dalka Itoobiya.

Xildhibaanka wuxuu iska bari yeelay inuu colaad hurinayo, balse uu doonayo kaliya iney Soomaalida aayaheeda ka fakarto, sameysana isku duubnaan iyo midnimo ka dhan ah qatar walba oo ku imaan karta.

Isagoo la hadlayay TV-ga Universal ayuu sheegay iney arintaan keeneyso fursad ay helaan deegaanada Soomaalida ay leeyahiin ee hoos taga wadamada aan dariska nahay ee Kenya iyo Itoobiya.

“Waa in laga tashado sidii looga hartagi lahaa qatarta, xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan dalalka waxa ay sameeyaan qorshooyin ay ka mid yahiin in dadka la isku keeno, sidoo kale la isku keeno culumada, Jamhuuriyadda oo kaliya maahan balse waa in aysan maqnaan dhulka Soomaalida ka maqan & Jabuuti si dhibka wadajir looga fogaado,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Dhanka kale, xildhibaanka wuxuu dadka tusiyay in qowmiyadaha Itoobiya oo ay midba mar xukunka qabato ay ka siman yahiin fikirka ay ka qabaan Soomaalida, sidaasna laga doonayo Soomaalida.