Laba oday dhaqameed oo lagu dilay Muqdisho iyo Mahad Cawad oo sheegay sababta loo beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa duhurnimadii maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen laba oday dhaqameed la sheegay inay ka yimideen deegaan ka tirsan gobolka Mudug.

Odayaasha la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Suldaan Muxumud Suldaan iyo Nabadoon Axmed Sheekh Abdullahi Fiqu Cumar, waxaana xog aan helnay ay sheegeysa inay ka yimideen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa qoraal uu saaray uga hadlay dilka odayaasha iyo sababta loo beegsaday.

Cawad ayuu sheegay in odayaasha la dilay ay ka mid ahaayeen dad horey u diiday inay ku shaqeeyaan amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, sidaasna loo dilay.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka Axmed Suldaan Muxumud Suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed Sheekh Abdullahi Fiqu Cumar oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho maanta iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al-Shabaab,” ayuu yiri Mahad Cawad.

Lama shaacin waxa uu ahaa amarka Al-Shabaab ee odayaasha ay diideen, hase yeeshee kooxdan ayaa inta badan amaro kala duwan oo u badan wada-shaqeyn kusoo rogtay odayaasha Soomaaliyeed.

Dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay gudaha suuqa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa canshuurta qaada ee loo yaqaano minishiibiyada.