Daawo: Xildhibaano gudbiyay mooshin culus iyo arrinta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta saxiixay mooshin culus oo ay uga jawaabayaan dhibaatadii loo gaystay ciyaariyahannada maamulkaas oo shalay lagu weeraray Muqdisho.

Xildibaan Cabdirashiid Jiley oo kamid ah xubnahaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka mooshinkooda, wuxuuna tilmaamay inay ka gudbiyeen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, si loogula xisaabtamo falkaasi.

Jiley ayaa sheegay inay doonayaan in qof xilka looga qaado dhibaatada loo gaystay ciyaartoyda, maadaama buu yiri la dayacay amnigooda.

“Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isla mooshinkooda uu ku socdo hay’adaha amniga ee mas’uulka ka ahaa nabad-geylayada ciyaartoyda iyo garoonka weyn ee Muqdisho.

“Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu kusii daray xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa intaasi kusii daray “Waxaan si aad iyo aad ah u cambaareynayaa falkii wuxuushninada ahaa ee ka dhacay shalay ciyaaraha run ahaantii arrin qurux badan ma ahan” .

Tallaabada ay qaadeen xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadeysa, ayada oo isla maanta laga gaarabay weerarkii lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay booqasho ugu tageen, wasiirka dhalinyarada, taliyaha NISA iyo duqa magaalada Muqdisho.

Weerarkan lagu beegsaday xulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay caro xoogan iyo in maamulkooda uu ku dhowaaqo inuu isaga baxeen tartanka maamul goboleedyada.