Daawo: Xogo dheeraada oo laga helayo xariga mas’uuliyiinta Kastamka Dekadda & Qodobada xeerka loo cuskaday oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha taliska ciidamada Booliska qeybta Hoggaamnka Canshuuraha ayaa ka hadlay xariga mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Kastamka Dekadda Muqdisho.

Saraakiishu waxa ay sheegen in xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha uu yahay mid xili hore la bilaabay baaritaankiisa, hase yeeshee ay ku dhaceen kiiska.

Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadka loo xiray musuqa ay yihiin 10 qof oo ka shaqeynayey  Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho kuwaa oo loo xiray musu maasuq.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay musuqa, hase yeeshee ay iminka usoo jeesatay inay ka hortagto kuwa caadeystay musuqa.

Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise waxa uu uga digay cidkasta oo ka shaqeysa Hay’adaha kala duwan ee dowladda in ay ku kacdo musuq maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne,waxa uuna sheegay in ciddii lagu arkaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay inaan laga aamusi doonin qofkii isku dayaa inuu qaato canshuur laga qaado dad masaakiin ah, waxa uuna soo jeediyay in qof waliba ay iimaansato mushaarka uu ka qaato dowlada.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay waday dowlada Somalia la-xisaabtan dhanka mas’uuliyiinta ah,waxana xiran in ka badan 15 Mas’uuliyiin kala dwuan oo ka Shaqeeya Hay’adaha dowladda.

Marka la’eego Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed mas’uuliyiinta iyo xubnaha loo heysto musuqa ayaa ku eedeysan qodobada kala ah 366, 368, 370, 240 iyo 7, oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in raggaasi ay hadda yihiin kuwo eedeysanayaal ah, balse haddii lagu helo danbiga ay u xiran yihiin ay noqon doonto mid heer qiyaano dal iyo mid shacab.

Baaritaanka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu cagaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeysa Dekkada Muqdisho oo qeyb ka noqon kara shabakadan.

HOOS KA DAAWO BOOLISKA OO KA HADLAY BAARITAANKA SOCDA

https://www.youtube.com/watch?v=Lil0DvhUy9w