Xukuumadda oo war kasoo saartay shirka Afisyooni oo galay maalinkii 3-aad + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinkii seddaxaad waxaa si caadi ah ku soo dhamaaday shirka madaxda Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu shir guddoomiyey. Madaxda ayaa bilaawday ka doodista qodobada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo faahfaahin ka bixiyey hanaankii uu maanta ku socday shirku ayaa sheegay in si saraaxo leh ay madaxdu uga doodeen qodobadii maanta la soo saaray miiska.

“Si loo xaqiijiyo in shirku guuleysto waxa uu ra’iisul wasaaruhu maanta shir gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee ka khuseeya heshiiskan, wadahadalladu waa ay sii socon doonaan,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la tasha doonaa dhamaan saamileyda siyaasadda iyo cid kasta oo shirka wax ku biiri karta, madaxdu waa ay isku soo laaban doonaan berri, laakiin waxa waxaad moodaa in wax kasta ay gaba-gabo yihiin markii la fiiriyo sida saraaxada leh ee madaxdu ay isula soo koobayaan wax kasta.”

Hoos ka Daawo