Kulan lagu xalinayo xiisad taagan oo u socda Cabdi Xaashi, A/Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah qodobada ugu adag shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Khilaaf culus oo u dhaxeeya laba garab oo ay u kala qeyb-sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi ayaa ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya Somaliland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo guddoomiye Cabdi Xashi ayaa kala hoggaaminaya labada garab oo ay u kala qeyb sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxaana la sheegay inay fashilmeen kulamo ay saacadihii lasoo dhaafay uga wadahadleen khilaafkan.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble oo iyagu maalmahaan ka shiraya xalinta khilaafka doorashooyinka ayaa siyaasiyiinta gobollada waqooyi ka dalbaday inay xal ka soo gaaraan khilaafka u dhaxeeya, isla markaana ay shirka ku soo celiyaan go’aan ay mideysan yihiin.

Hase yeeshee Garabka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa maanta shaaciyey qoraal sheegayey in lagu heshiiyey hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiga, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa beeniyey warkaas.

Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa gelinkii dambe ee maanta u yeertay saxaafadda, balse markii ay tegeen hoygiisa oo uu kula hadli lahaa ayuu codsi uga yimid madaxda Puntland iyo Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Cabdi Xaashi ka codsaday in saxaafadda uusan la hadlin, iyagoo ka digay in hadalkiisu uu arrinta cirka ku sii shareeri karo, waxayna ugu yeereen kulankan caawa u socda.

Waxaa sidaas ku baaqday shirkii jaraa’id oo Cabdi Xaashi uu qaban lahaa garabta, waxaana wariyaashii tegay goobta lagu war-geliyey in guddoomiyuhu uu berri hadli doono.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta qaabilay Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxuuna xafiiska Rooble shaaciyey in kulankaas uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi,” ayaa lagu yiri qoraal uu galabta baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.