Daawo: Yabooh oo Muqdisho ka iclaamiyey dagaalka ‘wax uga daran Al-Shabaab’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in la dagaalanka maan-dooriyaha ay siinayaan muhiimad ka weyn tan ay siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama sida uu sheegay uu maan-dooriyuhu bulshada uga daran yahay Al-Shabaab.

Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkaan ka yiri fagaare ku yaalla degmada Yaaqshiid oo lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka-dooriya oo ciidanku ay howlgallo ku soo qabteen.

Markii uu Yabooh ku dhawaaqay go’aankaan waxaa garab taagnaa duqa Muqdisho oo maalmahaan dagaal adag kula jiray maan-dooriyaha, dadka isticmaala iyo goobaha lagu iibiyo.

“Dagaalka aan kula jirno maan-dooriyaha, wuxuu ka muhiimsan yahay kan Khawaarijta 24-ka saac dadkeena disha, sababtoo ah waxaa macquul ah in Shabaab-ka aan la dagaali karno oo ka hor tegi karno, balse daroogadaan bulshada oo qarinayo ee hadda lagu soo shubay caagadahaan biha loo maleeyo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan Yaaqshiid u nimid culeyska uu nagu hayo maan-dooriyaha, guddoomiyaha gobolka ayaa meel kasta ka sheegay inaan la diriri doono maan-dooriyaha, dadka waxaan isticmaala ayaa sababa amni darada oo dadkeena qaribay.”

Wuxuu sheegay in wax kasta uu uga muhiimsan yahay dagaalka uu maamulka gobolka Banaadir kula jiro maandooriyaha iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si aan horay loo arag.

Duqa Muqdisho oo isla goobtaas warbaahinta kula hadlay ayaa yiri, “Anaga daroogo waa noo bartilmaameed iyo dadka cuna ama iibiya, ilmaheena ayaa lagu fasahaadinayaa, cidii nolol ka raadineysa meel kale nolol haka raadsato.”

Guddoomiyaha gobolka ayaa ka digay inay sii furaadaan kalaabyada ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyey in hadda kadib ay go’aan culus ka gaari doonaan gurigii lagu dhex arko maandooriye.

Hoos ka daawo