DF oo shaacisay ‘arrin ay diideen’ madaxda Al-Shabaab oo kala shaki ka dhex-abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah.

Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda.

Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

Warbixintan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxda ay si qasab ah u askariyeyso carruurta ku nool deegaanada ay weli gacanta ku hayaan, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka looga soo horjeedo ee iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, sida lagu sheegay warbixintaan.

“Waxaa jira qaar ka mid ah xubnaha horjoogayaasha ee Khawaarijta ah oo carruurtooda iyo reerkooda u soo dira magaalooyinka nabadda ah ee dalka, iyagoo carruurtooda kala soo cararay in ay dagaallada galaan iyo in ay qaadaan fikradaha qaldan oo ay ku shubayaan carruurta Soomaaliyeed inteeda kale.”

Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo dhawaan baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.