Daawo Video: Wasiirka Boostada Soomaaliya oo been ka sheegay in DFS ay keentay FIBER OPTIC

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada ee dowladda federaalka Soomaaliya Guuleed Xuseen Qaasim oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayay TV qaranka ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la weydiiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in DF aay markii ugu horreysay aay keentay dalka fiber optic xawligiisa uu aad u dheereeyo. Caasimada Online oo la xiriirtay shirkadaha internetka ee ka howl gala magaalada Muqdisho aya waxaa loo sheegay in aanay jirin Fiber Optic aay dowladda leedahay oo la keenay dalka. Hadalka wasiirkana aay aad ula yaabeen beenta intaa la eg.

Wasiirka ayaa ku celceliyay in dowladda aay iminka leedahay internet dheereeya isla markaasna dhamaan wasaaradaha oo dhan la siin doono internetkaas lagana bixin doono qarashka 20 sano ee soo socota. Balse hadalka wasiirka ayaanan raad lahayn.

Mar aan la xiriirnay la taliyah RW arrimaha isgaarsiinta ayaa noo sheegay in wasiirka malaha uu ka hadlay mustaqbalka, balse haddii aad si fiican u dhegeysato hadalka wasiirka ayaa ah mid ku saleysan mashruuc hadda la hirgeliyay.

Masuuliyiinta caalamka ayaa shaqadooda ku waaye haddii aay been ka sheegaan shaqadooda iyo wax qabadkooda, balse Dowladda RW CCC ayaa lagu abaal mariyaa wasiirka marka uu been ka sheego howlaha uu u hayo qaranka.

Wasiirka ayaa mar sii horeysay been ka sheegay oo in kiray inuu booqasho qarsoodi ah ku tegay dalka Iiraan, balse markii danbe la ogaaday in aay direen ciidan sirta mareykanka oo uu ka tirsanaa intii aanu noqon wasiirka. Halkan Riix

guled1 guled

Daawasho Wacan.

https://www.youtube.com/watch?v=hweUJHh6psI&feature=youtu.be

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com